Advertisements

Dowladda Jabuuti oo ka derisay xaaladda amaan xumo ee dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War ay shalay qoreen Saxaafadda wadanka Jabuuti ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka deeriyay xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya, wuxuuna si aad ah uga hadlay colaadda sii socota ee dalka ka jirta.

Sidoo kale Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu shalay  ka hadlay kulan ay aqoonyahano Soomaaliyeed ku lahaayeen Caasimada dalka Jabuuti ee Djabuuti ayaa wuxuuu si aad ah ugu deeriyay xaaladda ay haatan marayso dalka Soomaaliya, balse wuxuu walaac xooggan ka muujiyey xaaladda adag ay ku jiraan  dad faraha badan ee ka barakacay dagaallada ka socda dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ku haysta duleedyada magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, halka kuwa kalana ay qaxooti ku yihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu intaas uu raaciyay in kuwa ku haray gudaha magaalada Muqdisho ay la kumaan madaafiica habow ah iyo rasaas aan loo meel dayin xiliyada ay dhacayaan dagaalada ay isaga soo horjeedaan dhinacyada isku haya Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa codsi baaq ah u diray dhinacyada isku haya siyaadda Muqdisho in ay u turaan shacabkooda iyagoo fiirinaya dhibaatooyinka dadka rayidka ah ka soo gaarta dagaalada, waxaan uu tilmamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaallada,

Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu ku nuux nuuxsaday in looga baahan yahay intii fikiraysa in ay ku dadaalaan sidii mustaqbalka loo dhisi lahaa dowlad loo dhan yahay, kana soo qaybgalaan kooxaha kasoo horjeeda siyaasadda dowladda KMG Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee hadalka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa waxaa uu soo beegmayaa xili dhawaan uu booqasho ku tagay dalka Jabuuti Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo kaasi oo dowladda Jabuuti ka codsaday in ay wax kala qabto xalinta dhibaatooyinka magalada Muqdisho

SomaliSwiss     Jabuuti

SomaliSwiss@hotmai.com

Advertisements
%d bloggers like this: