Advertisements

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamanka KMG oo baaq codsi ah u diray Soomaalida Qurbaha ku nool.

Halkaan ka akhri

Baaq ay soo saareen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka KMG ee soomaaliya ayaa waxaa loogu  codsanayey Soomaalida ku nool qurbaha in gaar degdeg ah ay la soo gaaraan dadka soomaaliyeed ee Abaaraha iyo dagaalada ku heysta gobolada koonfureed ee dalka  Soomaaliya, waxaana.

Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale oo ku hadlayey magacyada  xildhibaanada soo saaray baaqan ayaa wuxuu sheegay inta badan gobolada koonfurta Soomaaliya in ay ka dilaaceen abaaro sameeyey dadka iyo duunyada ku nool halkaasi, loona baahan yahay dadka Soomaaliyeed in ay isku gar gaaraan.

Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu Soomaalidu ugu baaqay in ay taakuleyn u soo aruuriyaan dadku ay asiibtay abaaraha xoogan ee ka dilaacay dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Soomaalida Qurba joogta ah ayaa waxay dhowr jeer oo hore ay u gurmad ka geysteen sidii loogu aruurin lahaa lacago taakulayn ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gobolada Koonfurta Soomaaliya oo xaalado dagaalo iyo abaaro saameeyeen.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horaysay ay xildhbaanada Baarlamanka KMG ee Soomaaliya baaq ku aadan in la gar gaaro dadka Soomaaliyed ee dhibaataysan u diraan Soomaalida Qurba joogta ah, balse waxaa jiray dhowr mar oo Abaaro ka dhacday dalka u qayla dhaamiyeensidii loo gaargaari lahaa dad tabaaleysan ee Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: