Advertisements

Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho Saaka?

Halkaan ka akhri

Waxaa magaaladda Muqdisho ka soconaayo dagaal goos goos ah, kuwaaa oo mar marka qaarkood xoogeysanaya, wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore waxaa ay ka dhaceen Xaafado ka mid ah waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaaladaan waxay daba socdaan dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe iyo fiidkii hore ka dhacay dhanka Waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir, waxayna dagaalada ay bilowday kadib markii fariisimo degmooyinka Boondheere iyo C/casiis ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay Xarakada Al Shabaab weerar ku soo qaaday.

Dagaalka iyo duqeynta goos gooska ah ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday hal qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay labo qof kale oo inta la arkay ah, balse waxaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dhanka kale dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in saakay qoysas danyar ah oo horay ugu sugnaa degmooyinka lagu dagaalamay ay saakay bilaabeen inay guryahooda isaga cararaan kadib markii ay ka quusteen rajo ay in mudo ah degmooyinkaasi isugu celinayeen oo aheeyd in mar uun ay soo afjarmaan dagaaladan.

Si kasta ha ahaatee Xaaladda xafadihii lagu dagaalamay ayaa haatan waxaa laga dareemayaa deganaasho aan sidaasi u fiicneyn, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa dhawaqa rasaas teel teel ah oo ay is weydaarsanayaan Ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: