Advertisements

Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Amisom ay balaariyeen howlgalka nabad ilaalinta.

Halkaan ka akhri

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Wafula Wamuyinyi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Amissom oo kaashaanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay guulo ka gaareen howlgallo maalmihii ugu dambeeyey ay ka wadeen qaybo ka mid ah degmooyinka bari iyo Woqooyiga Gobolka Banadir halkasi oo ay kaga sifeeyeen maleeshiyadka kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururuka Al-qaacidda.

Sidoo kale Mr. Wafula Wamuyinyi ayaa hoosta ka xariiqay in maalinba maalinta ka dambeysa ay soo hagaageyso xaaladda amaan ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray in Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay guud ahaan dalka uga sifweyn lahaayeen kooxaha dagaalada fidnada ah ka wada Soomaaliya ee shacabka dhibaatooyinka kala duwan u geysanaya.

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Wafula Wamuyinyi ayaa ka dhawaajiyey in Midowga Afrika ay sii wadayaan tababar loo fidinaya Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyey in haatan dalka Uganda lagu tababarayo cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ay tababarayaan qubaro iyo saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo Uganda ku sugan.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: