Gudoonka Baarlamanka KMG oo u yeeray xildhibaanada ku maqan dibadda in ay soo xaadiraan Kalfadhiyada soo socda, haddii kale.

Halkaan ka akhri

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya C/weli Ibraahim Sheikh Muudey oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in Guddoonka Barlamaanka uu u wacay Xildhibaanada dibada maqan inay si deg deg ah ku soo gelaan Xarunta barlamaanka ee magaalada Muqdisho, haddii kale tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa  sheegay in xildhibaanada shaqa badan u taalo, islamarkaana ay isaga raaxaysanayaan magaalada Nairobi iyo meelo ka tirsan Caalamka. Sidaas darteed looma dulqaadan Karo in ka maqnaada howlihii loo igmada inay u qabtaan qarankooda.

Dhanka kale Xildhibaan C/weli Ibraahim Sheikh Muudey oo ah ku simaha gudoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa uu daaha ka qaaday in Xildhibaanada dalka ka maqan looga baahan yahay in ay si deg deg ah howshooda u gutaan oo dalka ay yimaadaan.

Hase yeeshee Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka wuxuu sheegay in xildhibaanada badankood dibada ay ku maqan yihiin, iyadoo shaqada taasha Barlamaanku ay tahay mid isku xayiran oo la la’yahay Kooramnkii loo baahnaa.

Balse Kooram la’aanta la dareemay, kadib markii  ay xukumadda u soo gudbisay Baarlamanka kana dalbanaysa in laga doodo miisaaniyad sanadeedka. Sidoo kale waxaa la sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanka iyo xildhibaano ka badan 100 ay  Nairobi ku sugan yihiin, waxaana la garan Karin sababta ay xilli walba dalka uga soo baxaan Xildhibaanada.

Warku wuxuu intaas uu ku darayaa in Xildhibaan ka tirsan Barlamanka oo ku sugan Mareykanka oo magaciisu lagu sheegay Xildhibaan Max’uud Geedi Hilowle ayaa wuxuu soo dhaweeyay go’aanka Guddoonka Barlamanka ee ku saabsan in Xildhibaanadu ay dalka ku soo laabtaan si loo meel mariyo howlaha Barlamanka u yaala.

Si kasta ha ahaatee xildhibaanku sheegay  in uu diyaar u yahay ka qaybgalka kulanka Baarlamnka iyo gudashada waajibaadka Qaran ee uu u hayo umada Soomaaliyeed hadana ay boorsooyinkiisa u xirxiranyihiin waqti dhowna uu soo gaari doono magaalada Caasiamda ah ee Muqidsho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: