Advertisements

Ciidamada dowladda KMG ee ku sugan Ex Kontarol afgoye oo gacanta ku dhegay hub u socday xarakada Al-shabaab.

Halkaan ka akhri

Ciidamada dowladda KMG ku sugan Ex Koontarool afgooye ayaa mar kale sheegay in ay qabteen gaari saanad Militari u siday Xarakada Alshabaab duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana isla markiiba ay Ciidamada xabsiga u taxaabeen darawakii waday iyo nin kale oo la socdayba.

Sarkaalkan lagu magacaabo Axmed yare ayaa sheegay in ay gaariga lagu qabtay bar koontarool oo ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya Ex Koontarool Afgooye, markii ay baareena ka heleen hub isugu jira Hoobiyayaal, AK 47, Bambooyinka F1-ta iyo hub kale oo Bastoolado ku jiraan sida uu yiri sarkaalkaasi.

Hase yeeshee ma jiro war ka soo baxay dhanka Xarakada Alshabaab oo ay uga hadlayaan gaariga hubka siday ee ay sheegeen inay ku dhigeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Ex Koontarool Afgooye.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: