Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inayku geeriyootay dalgaalkii  xalay iyo saaka ka dhacay xaafadaha la isku hor fadhiya ee G/Banaadir ilaa 10 qof  inka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic xoog badan oo maanta lagu garaacay suuqa weyn  Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Duqeymahan khasaaraha faraha badan geestay ayaa loo geestay suuqa Bakaaraha xilli mashquul badan uu ka jiray.

Sidoo kale waxaa khasaaro ba’an ka soo gaaray dadka shacabka, waxaana madaafiicda ay ku dhaceen meelaha ugu mashquulka badan suuqa Bakaaraha.

Madfiac ku dhacay qeybta Cabdal Shideeye ayaa ayaa geestay dhimasho iyo dhaawacyo badan oo soo gaaray dad halkaasi ku ganacsanayay iyo dad rayid ah.

Hase yeeshee Suuqa Bakaaraha ayaa saameyn waxaa ku yeesha dagaalada mar walba ka dhaca magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: