Madaxweyne Sheikh Shariif oo shaaca ka qaaday in ciidamada ay diyaar u yihiin dagaal weji ka weji ah.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u diyaar gaboobeen dagaal ka dhan ah xoogag hubaysan ee kasoo horjeed dowladda.

Madaxweynaha ayaa la arkayey ayaamahanba isagoo xiran Dareeska Ciidanka Milatariga dowladda, wuxuuna Warbaahinta Soomaaliya iyo tan Caalamka u caddeeyey in dowladdu ay ku guulaystay dar dar galinta iyo abaabulidda ciidanka qalabka sida ee dowladda KMG islamarkaana waxaa uu sheegay in maalmaha soo aadan wax badan ka badali doonaan xaaladda amaan ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu sheegay in ciidamda dowladda KMG Soomaaliya ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah dhinacyada Mucaaradka, iyo wax ka qabashada xaaladda amaan ee wadanka Soomaaliya, wuxuuna intaa uu raaciyey in Ciidamada Milatariga ay ku diyiaarsan yihiin aagaga hore ee dagaalka.

Hase yeeshee warkan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili afartii maalmood ee la soo dhaafay Madaxweynaha uu kusgnaa Xarunta Ciidamada Xoogga dalka ee Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho halkaasi oo kulamo gooni gooni ah uu kula qaadanayay Saraakiisha ciidamada dowladda KMG.  

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: