Advertisements

Madaxweyne Sheikh Shariif oo xarigga ka jaray Isbitaaal ku yaalla gudaha Xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif  Sh. Axmed ayaa waxaa uu maanta salaaddii Jimcaha  kaddib xarigga ka jaray  Isbitaaal loogu magac daray Medical Health Center  oo ku yaalla gudaha Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo lagu sameeyay dib u ballaarin xoogan.

Madaxweyne Sheikh Shariif  oo ay wehliyeen   Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo ku xigeenkiisa ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxay saxaafadda u sheegeen in ujeeddada dowladdu ay tahay sidii loo hormarin lahaa adeegayada kala duwan ee bulashada oo burbur xoogan ka soo gaarey dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif  ayaa u mahad celiyay howlwadeenadii iyo dadkii   ka qeyb qaatey  dayactirkaan lagu sameeyay cisbitaalka, wuxuuna sheegay in dadaal loo geli doono sidii loo horumarin lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “waxaan soo marnay 20 sano oo is dil iyo wax dumin ah, sidaas darted haatan waxaan dooneynaa in aan wax dhisid iyo badbaadin aan u tallaabsano.

Hase yeeshee Isbitaalkan oo dayactirka iyo ballaarintiisa muddo gaaban lagu sameeyay ayaa waxa uu ka kooban yahay 5 qeyboood oo  muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qeybaha gargaarka deg dega ah, bukaan jiif, Farmashiye, iyo sheybaar casri ah, waxaana saraakiisha ka howl geleysa ay sheegeen in loo adeegsan doono baahida caafimaad ee timaada.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: