Culumada Ahlu Sunna oo sheegtay in la gaaray Waqtigii ay Shacabka ka xuroobi lahaayeen Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Halkaan ka akhri

Bayaan ka soo baxay Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaacah ayaa sheegaya in dagaalada iyo xiisadaha u dhaxeeya Shabaab iyo Xisbul Islaam ee maalmahan ka taagnaa Gobolka Shabellaha Hoose iyo Bay ay tahay Xaqdarradii iyo dhibkii ay u geysteen Umadda Soomaaliyeed, balse waxaa wali nasiib daro ah  inay ku dul dagaalamaan dadkii ay horay uga soo barakiciyeen Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Bayaankan  ayaa lagu sheegay inay soo dilaacday xaqii umadda, isla markaana labadan kooxood ee magacyada diinta wata ay xaq daro ku dagaallamayeen, ha yeeshee  dagaalka ay haatan ka dhex dilaacay labadaas kooxood uu yahay mid shacabka u iftiiminaya in diin ahayn, balse  ay tahay mid ay ku raadinayaan xukun.

Dhanka kale Bayaanka oo soo baxay salaadii jimcaha kadib ayaa waxaa shacabka muslimiinta ah loogu baaqay inay ka digtoonaadaan  kooxaha wada fidnada ee diidan nabadda, kaasoo ay ku sheegeen inay noqon karto mid shacabka ay saameyso hadii ay dagaalamaan.

Hase yeeshee Culimada waxay  uga  baaqay dhalinyarada ay  labadaas kooxood  qaldeen inay  ka leexdaan wadada qaldan ee lagu hogaaminayaan,  waxayna  tusaale ahaan u soo qaatay in labadaas koox ay wixii shalay dadka ku gaaleysiinayaan ay haddana iyagu isku gaaleysiinayaan.

Culumada ayaa waxay bayaankoodu  ku cadeeyeen in dalka aan jihaad ka jirin, balse waxa hadda socda uu yahay dan gaar ahaaneed, waxaana dowladda soomaaliya ay ugu baaqeen culimada inay cafis u fidiso dhalinyarada la qalday si ay uga soo baxaan jidka qaldan ee lagu hogaanshay.

Ugu dambeyn Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray dagaalo iyo xiisado u dhaxeeyay Shabaab iyo Xisbul Islaam, kaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan Bay iyo Sh/Hoose oo lagala wareegay Kooxda Xisbiga Islaamka sheegata.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: