Waa sidee xaaladaha dagaaleed ee ka jirta gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho?

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaray daafaha iyo gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in xalay ilaa saakay ay ka dhaceen qaar ka mid degmooyinka gobolka Banaadir dagaalo sababay khasaare Nafeed, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabka ka helaya Ciidamada AMSIOM iyo Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka saakay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu yimid kadib markii ciidamado ka tirsan Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmadaasi.

Sida la sheegay Madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac is weedaarsanayeen ayaa laga maqalayay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, iyadoo mararka qaar Madaafiicdaas ay ku dhacaysay goobo ka baxsan halka dagaalka ka socday.

Sidoo kale dagaalkii ka dhacay degmada Hodan saakay ayaa wuxuu daba socday dagaalo iyo duqeymo oo xalay ka dhacay degmooyinka Hodan, Boondheere iyo Howlwadaag kuwaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen 10-qof halka in kabadan ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Xaalada deegaanada duleedka Magaalada Muqdisho  ee ay dadku u barakaceen ayaa saakay laga dareemayaa deegaanada, kadib markii habeen hore ilaa maalintii shalay ahayd ay ka jirtay xiisado kacsan oo u dhaxeysa Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo xizbul Islaam.

Qaar ka mid ah dadka deegaanadaas ayaa saakay sheegay in xaaladu ay tahay mid dagan, isla markaana goobaha ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka dadweynaha uu yahay mid caadi ah.

Xaalada deganaashi ka sokow waxaa wadooyinka lagu arkayaa Ciidamada Ururka Xizbul islaam oo feejignaan xoogan ka muuqata isla markaana meelaha qaar ka wadaan dhaqdhaqaaqyo iyo Abaabulo ciidan oo aan la ogayn halka ay ku wajahan yihiin.

Sikasta ha ahaatee Xaalada degenaashaha leh ee ka jirto duleedka magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili xiisad u dhaxeysa Xarakada Alshabaab iyo xizbul Islaam ka taagan tahay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho iyo deegaano ka mid ah Degmada Afgooye.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: