Siyaasiga ugu awooda badan ee dalka Kosovo oo lagu eedeeyey inuu ka ganacsado Xubnaha jirka Bani’aadanka.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dalka Kosovo Hashim Thaci ayaa la sheegay in lagu tuhmay in uu faraha kula jiro ka ganacsiga Xubnaha  qaybaha uga muhimsan ee jirka bani’aadanka sida Wadnaha, Beerka, Kiliyaha iyo waliba Maandooriyaasha.
Sida la sheegay Hashim Thaci  ayaa  howshan billaabay sanadka markuu ahaa 1999ka,  sidoo kale Hashim la sheegay in uu ka soo daabulayey Xubnaha dadka iyo Maabdooriyaha wadamada ku yaala bariga Yurub, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin uu soo saaray Senetar ka tirsan ee dalkan Switzerland ee magaciisu la yiraahdo Dick Marty oo ka mid ah Golaha fulinta Reer Yurub oo  wareysi siiyey nin horay u ahaa mudane Barlaan ee magaciisu la yiraahdo  Ruth-Gaby Vermot.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dhammadkii dagaalkii hubeysanaa, kadib ayaa la ogaaday in xoogaggii Xoreynta Kosovo ay afduub ku sameeyeen dad dhalashadooda ka soo jeeda Serbia iyo dad kale oo ka soo jeeda Abaneeska  wadanka Albania, halkaas oo laga soo daabuli jiray xubnaha bani’aadanka si loo beec geeyo goobo kale.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Warbixinta Senetarka Swisska  Dick Marty oo manta khamiista la hor geyn doono Golaha fulinta ee Reer Yurub, si ay ula socdaa ama ay ogaadaan eedeynta loo soo jeediyey Mr. Hashim Thaci oo haatab hoggaamiyo Xisbiga Dimqraadiga ah ee dadka Kosovo oo ku guuleystay Codbixintii  xildhibaanada Barlamaanka ee ka dhacday dalka Kosovo Axddii tegtay.
Ugu danbeyntii warbixin ay soo Saartay Hay’adda Laanqeytra Cas  ee Caalamiga ah ayaa lagu soo qoray in  intii uu socday dagaalkii  Sokeeyee la waayey  dad tiradooda gaarayso 1’900 qof  oo aan ilaa haatan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen dadkaas.
SomaliSwiss    Swissinfo
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: