Shil Tareen oo dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay degmada Basel ee dalkan Switzerland.

Halkaan ka akhri

BASILEA – Shil Tareen ayaa ka dhacay degmada Basel, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa 4 qof oo 3 ka mid ay ahaayeen saraakiisha Tareenada ee dowladda federaalka Switzerland, qofka kalena uu ka mid ahaa rakaabka tareenada isku dhacay saarnaa.
Sida uu sheegay mas’uul ka tirsan hay’adda Tareenada Swisska ayaa sheegay in shilkan uu ahaa laba tareen isku dhacay oo mid ka mid ah ahaa Tareenada Caalamiga ah ee isaga goosha Qaaradda Yurub, iyagoo sameeynayo dhaqdhaqaaq.
Saraakiishii tareenka ee dhaawaca soo gaaray ayaa si caadi u watay howshii safarka tareenkii ay la socdeen, balse mid ka mid ahaa saraakiishaas  oo dhaawac culus soo gaaray ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala degmada Baasel, waxaana la sheegay in isu socodkii tareenada ay waxba iska beddelin oo si caadi ah howshooda u socotay.
SomaliSwiss    Swissinfo
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: