Ra’isal wasaare Farmaajo oo amar ku bixiyay in talaabo laga qaado xubnihii ka dambeeyay dhacdadii Dekada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shaley dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqashooyin ku tegey wadamada Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii toddobaadkan ka dhacday dekeda magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa markii uu shaley yimid Muqdisho isla markiiba wuxuu kulan deg deg ah la qaatay golaha wasiirada ee xukuumadiisa iyo gudigii loo xil saaray dhacdadaasi, iyagoo ka wada hadlay dhacdadii ka dhacday dekeda magaalada Muqdisho ee maleeshiyada xildhibaan Maxamed Jaamac Furux ay ku xireen hawshii dekeda.

Afhayeenka xukuumada Cabdi Xaaji Goobdoon oo xaley saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ra’isul wasaare Farmaajo amar ku bixiyey in talaabo laga qaado xubnihii dekeda Muqdisho xirtay, isagoona ula jeeday  xildhibaan Furux iyo maleeshiyadiisa.

Toddobaadkan ayaa maleeshiyada xildhibaan Maxamed Jaamac Furux waxay weerar ku qaadeen dekeda Muqdisho, iyadoo xiisad arintaasi ka dhalatay mudo 24 saac ah ay joojisay dhaqdhaqaaqii dekeda. Inkastoo ciidamo ka tirsan Amisom iyo kuwa Nabadsugida ay markii dambe dib u fureen dekeda.

Lama oga waxa ay noqon karto talaabada laga qaadayo xildhibaan Furux oo hadda ah mudane ka tirsan Baarlamanka KMG Soomaaliya, iyadoo guddigii arinta dekeda loo saarayna aysan weli soo saarin wax warbixin ah.

Xildhibaan Furux ayaa ka mid ah dhowr hogaamiye kooxeed oo hubeysan welina ku sugan qeybaha dowlada maamusho ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dad badan ay sheegeen in ay hogaamiye kooxeedyadaasi iska hor-imaan karaan dowlada KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: