Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo la kulmay qaar ka mid ah saraakiishiisa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed  ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah saraakiishiisa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, waxayna kulamada  madaxweynuhu ay la xiriirto adkaynta ammmaanka dalka.

Kulankan ayaa la sheegay inuu  ka dhacay Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Xarunta Villa Baydhabo, waxaana la arkaayay Madaxweynaha oo ku labisan dharka tuutaha ah ee ay ciidamada ay xirtaan.

Sidoo kale Madaxweynaha oo kulan gaar ah la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada sida Abaanduulaha C/kariin Dhega-Badan, wuxuuna kala hadlay xaaladaha ammaanka iyo qorshaha Ciidamadu ugu talogaleen sugida nabadgelyada.

Xarunta cusub ee Taliska Ciidamada Xoogga dalka ee Villa Baydhabo ayaa noqday xaruntii u horeysay ee la hago Ciidamada Milateriga dowladda KMG ah, halkaas oo la sheegay in la gaarsiiyay qalab kala duwan oo ay ugu weyn tahay Isgaarsiinta, lagala xiriiro Ciidamada, xilliyada dagaalada ay ku jiraan, gaadiidka Gurmadka iyo waxyaabo kale oo sahlaya in Ciidamadu sii dagaalamaan.

Hase yeeshee Dowladda KMG ah ayaa bilowday dadrdarna gelinaysa Guluf dagaal oo ay ku doonayso inay kula wareegto caasimada Muqdisho, iyadoo saraakiisha ciidamada Dowladda iyo madaxda sare ee dowladda KMG ah  ay bilaabeen inay tagaan Barta dagaalka ka socda iyo xarunta laga hogaaminaayo dagaalka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: