Howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda KMG oo lagu soo Qabqabtay gaari hub u siday xoogaga ka soo horjeeda dowladda.

Halkaan ka akhri

Ciidamada dowladda KMG ee ku sugan Ex- Control Afgooye ayaa galabta gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen saanad Milatari oo loo waday xoogaga hubaysan ee ka soo horjeed dowladda KMG Soomaaliya.

Mas’uulka ugu sarreeya Ciidamada dowladda KMG ee ku sugan Isgoyska Ex- Control Afgooye ayaa caawa u sheegay Warbaahinta ka howlgasha in ciidamada dowladda oo baaritaano ku samaynayay gaadiidka Isticmaalah Isgoyskaasi ay gacanta ku dhigeen gaari Milatari oo ku sii jeeday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxa Howgalada ciidamada dowladda KMG ee fariisinka ku leh Ex- Control Afgooye ayaa sheegay in ay galabta ciidamada dowladda ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan 3 nin oo mid ka mid ah uu sheegtay in uu ka tirsan Askarta dowladda KMG kuwaasi oo la socday gaari hub iyo saanad Milatari u waday xoogaga hubaysan ee kasoo horjeeda dowladda.

Waxaa  kaloo Madaxa Howgalada ciidamada dowladda KMG Soomaaliya uu sheegay in islamarkiiba ay ciidamada dowladda xabsiga u taxaabeen 3-daasi nin islamarkaana ay ku samayn doonaan baaritaano xoogan, isgaoo tilmaamay in Hubka saarnaa gaariga laqabtay ay ka mid ahaayeen qoryaha loo yaqaano Ak-47 iyo Baaruudda laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

Dhanka kale Taliye Axmed Yare waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan baaritaanada ay ku hayaan gaadiidka ay ugu shakiyaan in uu saanad Milatari u wado Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo iyagu horey u sheegay in hubka ay kula dagaalamayaan dowladda KMG ay ka iibiyaan Askar ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horreysay ee ay ciidamada dowladda KMG Soomaliya ee ku sugan Isgoyska Ex- Control Afgooye ay halkaasi , howlgalo ka sameeyeen ay ku qabteen gaari yar oo hub siday oo la doonayey in si qarsoodi ah loogu gudbinayo Xarakada AL Shabaab iyo Xisbul Islaam.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: