Ciidamo Soomaali ah oo gaaraya illaa 1.000 askari oo tababar kusoo dhamaystay dalka Uganda.

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay tababar Ciidan oo socanayey muddo dheer loo soo gebagabeeyey Ciidamada Militariga dalka Soomaaliya oo tiradoodu gaaraysa ilaa 1.000 Askari oo tabar ku qaadanayey dalka Uganda waxaana halkaas tababar ku siinayey Ciidamo khibrad u led habka loo tababaro Ciidan, kuwaas oo ka socday midowga Yurub.

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo tababarka loo soo gaba gabeeyay ayaa in mudo ah lagu tababarayay Xero Militari oo lagu magacaabo Bihanga islamarkaana ku taala bariga dalkaasi Uganda. 

Hase yeeshee howsha tababarkan ayaa la sheegay in si wada jir ah ay fuliyeen saraakiil ka socota Uganda iyo kuwa kale oo ka socday 27-dal oo ka tirsan Midowga Yurub, waxaana ciidamada tababarka loo soo gaba gabeeyay la faliyaa in ay taageero xoog leh siiyaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo xiligaan dagaalada kula jira dhinacyada kasoo horjeeda. 

Sidoo kale Xafladda tababarka loogu soo gaba gabeeyay Ciidamada ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Max’ed Fiqi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Sayid Axmed Sheekh, Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Uganda Kirisbuus Kiyonga, Abaan duulaha ciidamada Dalka Uganda General Katumba Wamala iyo saraakiil kale oo ka tirsan Midowga Yurub. 

Dhanka kale Mr. De Visscher oo ah Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Uganda oo xaflada xiritaanka Tababarka ka hadlayay ayaa sheegay in midowga Yurub iyo dowladda Uganda ay si wadi doonaan howlaha lagu tababarayo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya si dalka ay nabad ugu soo dabaalaan. 

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay wasiirka gaashaandhiga ee dalka Uganda Kirisbuus Kiyonga, wuxuuna Ciidamada tababarka loo soo gaba gabeeyay u sheegay in looga baahan yahay sidii ay dalkooda ugu sifeyn lahaayeen dadka nabad diid ka ah ee doonayainay afgambiyaan dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss  Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: