Ra’isal wasaare Max’ed C/llaahi Farmaajo oo magaalada Addis Abeba kula kulmay madax African ah iyo Meles Zenawi.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaarha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo oo wali ku sugan magaalada Addis Ababa, isagoona shalay ka qeyb galay kulan ay lahaayeen qaar ka tirsan madaxda wadamada ku dhaqma  Federaaliisamka, waxaana looga hadlayey hannaanka iyo qaabka uu waddan kasta u dhaqan geliyey.

Wasiirka arrimaha dibedda ee DKMG, Max’ed C/laahi Oomaar oo u warramayey warbaahinta  u sheegay in Ra’iisul-wasaare Farmaajo iyo wafdigiisuba ay xalay iyo maantaba kulamo gooni-gooni ah la qaateen qaar ka tirsan madaxda dalalka Africa oo uu ka mid yahay, madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Sudan iyo raisal-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Kulanka madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya. Ra’iisul-wasaare Farmaajo ayaa Meles Zenawi uga xog-warramaya xaaladda Soomaaliya iyo waliba qorshaha dowladda cusub ee Soomaaliya ee ku aadan xal u helida Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: