Odayaasha Hawiye oo Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam uga digay in ay ku dul dagaalamaan shacabka qaxay.

Halkaan ka akhri

Baaq nabadeed oo  ka soo baxa Odayasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa sheegaya in Odayaashu ay u direen Xarakada AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam baaq la xiriira joojin Colaad ee u dhaxaysa labada dhinac, kuwaas oo beryahan ka wada dhaqdhaqqaayo Ciidan deegaanadii ay u barakaceen dadkii magaalada Muqdisho ku noolaa ee ku yaala inta u dhexaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad oo la hadlayay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa ugu baaqay Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam in ay joojiyaan dad barkacayaasha ah ee ay ku kor dagaalamayaan.

Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dagaalka uusan wax faa’iido ah keenaynin balse uu keenayo oo keliya waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah mooyee,wuxuuna intaas ku daray ee uu  sheegay in dadka dagan Muqdisho iyo Afgooye ay yihiin kuwa haysta dhibaatooyin aad u farabadan islamarkaana waxaa uu tilmaamay in aan loo baahneen in dadkaasi barakacayaasha in mar kale la barakiciyo.
 
Nabaddoon Max’ed Xasan Xaad ayaa ka codsaday dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya in ay fasaxaan gargaarkii ay ka xanibeen dadka barakacayasha ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Al Shabaab ay caqabad ku yihiin gaar la siinayo dadka baracakaayasha ah.
 
Hase yeeshee baaqa ka soo yeeray Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa imaanaya xili xiisada colooadeed ay u dhaxeeya Xaradaka AL Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ka taagan yihiin duleedka magaalada Muqdisho halkaasi oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay samaynayaan labada dhinac.
 
SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: