HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE
Halkaan ka akhri
Mideynta Ciidamada Afrika
Madaxweynaha dalka Libya Mucammar Al-qadaafi ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika in ay sameeytaan ciidamo mideysan oo gaaraya ilaa hal milyan Askari, si ay u ilaaliyaan qaaradda iyo Kheyraadkeeda islamarkaana ay ugu hortagaan ciidamada ajnabiga ah ee dhibaatada ku haya qaaraddooda.
Qadafi ayaa ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo ciidanka african-ka ayna macquul aheyn in dowlad waliba ay iyada un is daafacdo balse loo baahan yahay in sameeyo ciidamada africanka ah oo ilaalin kara xuduudaha, Badahaiyo kheyraadka kale ee wali dihin ee ay Alle ku minaystay afrika islamarkaana ay ka hortagaan Nato, China, France , Ingiriiska iyo wadamo kale oo uu ku sheegay qadaafi in qaaradda afrika ay ku hayaan dhibaatooyin badan, si sharci darro ah ugu faa’ideesta kheyraadka ay leeyihiin Umadaha Afrika.
Isu tagga wadamada afrika
Sidoo kale Mucamar Al-qadaafi wuxuu sheegay in magaca ay Afrika ay wadaagayaan uu noqon doono “Isu tagga wadamada Afrika“ magacaas oo  mideynayo dhaqaalaha siyaasadda iyo Ciidamada, kaas oo u horseedi kara in hormumar la taaban kara ay sameyso Qaaradda Afrika.
Madaxweyne Qadaafi ayaa ku celceliyay in afrika ay taagan tahay xilligii ay midoobi laheyd oo ay wax la qabsan laheyd dunida kale, wuxuuna ka digay in mar kale ay noqdaan adoon amaba kuwa u adeega malsxada quwadaha waaweyn.
Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Senegal C/lla Waad ayaa taageeray aragtida uu soo bandhigay Qadaafi, wuxuuna ku raacay in ay lagama maarmaan tahay in la helo afrika oo mideysan ayna tahay xalka kaliya ee ay ku xoroobi karaan Bulshooyinka afrika, taaso Afrika ay ku noqon karto inay hoggaamiyaan dhaqaalaha iyo siyaasadda Caalamka.
Dhanka kale mahan markii ugu horreysay ee Hogaamiyaha dalka Liibiya uu ka muhimadda ay leedahay mideynta dowladaha africanka, balse dowladaha waaweyn ee africanka ah, sida koonfur africa iyo Masar ayaa u arka in aysan macquul aheyn in ay hilmaamaan horumarka dalalkooda sameeyay oo ay la midoobaan dowladaha kale ee africanka ah oo badankood ay la tacaalayaan faqri, dagaalo iyo musuqmaasuqa oo sababay in ay dib ugu dhacaan caalamka intiisa kale.
Si kasta ha ahaatee baaqa Qadaafi ayaa yimid shalay isagoo ku sugan caasimadda dalka Sanegal ee Dakar ee khudbad ka jeediyey munaasabad uu kaga qeyb galayay bandhig faneed caalami ah oo lagu qabtay Caasinadda dalka Senegal ee Daka ay ka qeyb galeen dowlado badan oo african ah.
SomaliSwiss Nairobi
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.