Halkaan ka akhri
Muran xooggan ayaa ka dhex aloosan Madaxda sare ee Maamulka xarakada Al-shabaab ee ka arrimiya Gobollada Jobooyinka, kaas oo salka ku haya, Horjooge sare oo xarakada ka tirsan oo ku xiran xabsi ku yaalla xaduudka Waqooyi bari Kenya, kaas oo laga qabtay xuduudda Lamu.
Horjoogayaasha qaarkood waxay eedeyn iyo dhaleceyn dusha ka saaray saraakiil ay ka mid yihiin Axmed Godane & Ibraahi Afghani kuwaasoo sida la sheegay dhegaha ka fureystay in mudo ah sii daynta Horjoogahaas u xiran Ciidamada Kenya iyo sii dayntiisa.
Horjooge- yaal Shabaab ah oo caraysan ayaa arrintaas usoo bandhigay saxaafadda, iyagoo aan qarsan xanaaqooda, waxaana u hadlay Horjooge sare oo lagu magacaabo Macalin Adan Maxamad oo ka mid ah Xubnaha sare ee Xarakada Al-Shabaab u qaabilsan gobolada Jubbooyinka kaas oo madaxda xarakada, gaarahaan Ibraahim Al-Afkhaani iyo Axmad Godane ku farmuuqayinay gacan bidixeeyeen sii daynta ninkaas, isagoo carabka ku dhiftay inay dareemayeen in qaab beeleed ahaan loo diiday sii dayntiisa, halka saraakiil hore in lasoo daayay uu sheegay.
Horjogahaan oo magaciisa ay ku gaabiyeen Sheekh Maxamed ayaa Boliiska xuduudaha Kenya ay gacanta ku dhigeen isagoo doonayay inuu u tilaabo gudaha dalka Kenya, gaarahaan Xadka Raskambooni iyo Lamu, isagoo isku dhexc qarinayay soomaali kale oo la wada qabtay.
Horjooge yaaashaan ayaa sheegay in Booliiska Kenya sii daynta Horjoogahaas ay ku xireen lacag ku dhow Ksh 30000 oo u dhiganta $1000-dollar oo maraykan ah, hase yeeshee ay diideen bixinta lacagtaas hogaamiya yaasha Alshabaab, gaarahaan labada nine ee Axmad Godane iyo Afgaani oo ku tuhunsan inuu ka mid yahay ninkaasi raga iyaga taladooda kasoo horjeeda.
Mar la weydiiyay horjoogayashaas in Ciidamada Kenya ay fahamsan yihiin Sheekh Maxamed inuu ka tirsan yahay Shabaab ayaa yiri “Ilaa xiligaan lama socdaan inuu Shabaab ka tirsan yahay, waxey moodaan Shaqsi Soomaaliyeed oo isku dayay inuu Sharci daro kusoo galo xadka dalka Kenya, balse inta aan la fahmin ayay aheyd inay Horjoogayaasha Kismaayo dhiibaan 1000-Dollar oo lagu soo daayo Sheekheenaâ€.
Dalka Kenya, gaar ahaan degaanada u dhaxeeya Raskambooni & Lamu waa marinka kaliya ee ay ka galaan taageeryaasha & Horjoogayaasha Shababka dalka Kenya, waxeyna deegaanka Lamu ku leeyihiin taageerayaal aad u badan oo u dhego nugul, kuwaasoo xiriir dhow la leh Xoogaga nabad gelyada magaalooyinkaas, waxayna wararku sheegayaan in tiro badan oo dhowaanahan lagu qabtay la siiyay daayay, kadib markii laga qaatay lacago laaluush ah.
SomaliSwiss Kismaayo
Filed under: Kismayo |
You must be logged in to post a comment.