INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.

Halkaan ka akhri

TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhamaan Jaaliyadaha Beesha Gaaljecel ee ku nool waddanka Switzerland waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Beel-weynta Gaaljecel meel kasta oo ay ka joogaan dunida, gaar ahaan Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee  Marxuum Maxamed Aadan oo maanta oo Talaadada ah  ku geeriyooday magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiraan ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale  Odayaasha, Aqoonyahanada Guddiga jaaliyadda Beesha Gaaljecel, iyo dhammaan Jaaliyadda Beesha Gaaljecel oo ku dhaqan dalka Switzerland, waxay tacsi taas la mid ah u dirayaan  Sheikh Axmed Maxamed Aadan oo ka tirsan Jaaliyadda Beesha Gaaljecel ee Dalkan Switzerland oo Aabihiis  Marxuum Maxamed Aadan maanta ku Geeriyooday, laguna Aasay magaalada Baladweyne.

Marxuum Maxamed Aadan, Alle ha u naxariistee, waxaan ilaah uga baryeeynaa inuu jannadii ka waraabiyo, Eheladii uu ka baxdayna samir iyo iiman ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: