Guddiga Shuurada Xisbul Islaam oo shaaca ka qaaday in ay iska difaacayaan weerarada Xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Guddiga Shuurada iyo Fulinta ee Ururka Xizbul Islaam oo shalay kulan ku yeeshay deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa  waxay go’aan ku gaaray inay iska difaacaan weerarada iyo hanqal taaga  Xarakada Al Shabaab ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanada ay maamusho Xisbul Islaam.

Kulankaas oo ay joogeen  Sheikh Xasan Daahir Aweys, Sheikh Muuse Caraale, C/qaadir Kumaandoos iyo saraakiil kale ayaa la sheegay in ay ka soo saareen go’aan ka dhan ah dagaal ay la galaan Xarakada Alshabaab haddii deegaanada duleedka Muqdisho iyo Degmada Afgooye u soo jiheystaan una soo hanqal taagaan.

Mas’uul ka tirsan Xisbul Islaam oo ay warbaahinta Muqdisho ka  soo xigatay warkan oo codsaday in magaciisa aan la sheegin ayaa waxaa uu sheegay in kulanka  lagu go’aamiyay in Ciidamada Xisbul Islaam ay difaacaan deegaanada ay haatan gacanta ku hayaan, waxaa kaloo kulankan baaq looga jeediyey  shacabka ku dhaqan deegaanada loo barakacay ee ay gcanta ku hayaan Xisbul Islaam inay ka gacan siiyaan la dagaalanka kooxda Xarakada AL Shabaab oo doonaysa in mar kale ay sii barakiciyaan.

Dhanka kale Go’aanka ay Xisbul Islaam ay isku difaacayaan ayaa yimid kadib markii ciidamo farabadan oo ka tirsan Al Shabaab ay Xisbiga kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/hoose islamarkaana ay qorsheynayaan in ay kala wareegeen degmada Afgooye oo xalay ilaa iyo maanta ay isku horfadhiyeen Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Si kasta ha ahaatee ilaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada AL Shabaab inkastoo aan looga baran inay ka hadlaan qorshayaasha dagaal ee ay deegaanada iyo degmooyinka uga qabsanayaan ururka Xisbul Islaam.

SomaliSwiss     Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: