Halkaan ka akhri
Wasiir ku xigeenka Wasaarada macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka Xukuumada KMG ee soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Faarax ayaa sheegay in Dowladda KMG Soomaaliya ay dib uga laabtay amar ka soo baxay, kaas oo sheegayey in qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka kaga mamnuuceen howlaha ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
 Wasiir ku xigeenka oo u waramayay Warbaahinta ka howl gesha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in warkaasi ay si qaldan u tarjumeen qaar ka mid ah qalabka warbaahinta, wuxuuna ka bixiyey  cudur daar, sidaas darteed  ay Hay’adahaasi sii wadan karaan howlahooda shaqo.
Hay’adahaasi oo shalay lagu eedeeyey inay ka dhaga adeygeen kullamo dowladda KMG ugu yeertay Hay’adaha Samafalka waxaana ka mid ahaa hay’adahaas Unicef, ICRC, NRC iyo DBG.
Hase yeeshee Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta, biyaha, Batroolka iyo Tamarta Xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Faarax, ayaa wuxuu sheegay in hay’adahaas ay shacabka Soomaaliyeed wax ku soo kordhiyaan mooyee aysan waxba ka dhimaynin howlaha ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed wax shaqadooda hor istaagi ma jiro ilaa laga helo wax cad mooyee, balse waxaa dhacay is faham la‘aan.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.