Halkaan ka akhri
Waxaa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee waxaa  guulo ka sheegteen dagaalkaasi Saraakiisha ciidamada dowladda KMG.
Sidoo kale Dagaalada iyo duqeymaha oo ilaa xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sida caadada ahba uu u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, wuxuuna ku dhexmaray xaafado ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Mas’uul ka tirsanTaliska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee Aaga Hodan, ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaaladaas, waxaana uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay weerar ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Hodan, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada dowladda ay is caabin xoogan.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalka uu xoogiisa ka dhacayey gurigii shaqaalaha, wadada Sayidka iyo Saldhiga degmada Hodan, waxaana madaafiicda ay is weedaarsanayeen labada dhinac ay ku dhacayeen goobo ka baxsan halka ay ku dagaalamayaan, waxaana ka mid ah Suuqa wayn Bakaaraha, sidaas waxaa inoo xaqiijiyey dadka goobjoogayaal ah ee ku sugnaa goobaha ay dagaaladu ay ka socdaan.
Dadka goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in arkayeen dadka ku waxyeeloobay rasaasta iyo madaafiicda ay isku radayeen labada dhinac, hase ahaatee ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladii xalay ilaa saakay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan guulaha ay sheegteen saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Hodan, hase yeeshee waxaa wali laga maqlayaa xaafadaha ay dagaaladu ka dhaceen rasaas teel teel ah oo ay is weedaarsanayaan laba dhinac.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.