Advertisements

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo Meles Zenawi oo maanta ku kulamaya magaalada Addis Ababa.

Halkaan ka akhri

War saaka naga soo gaaray magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya  ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zanaw ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay yeeshaan Kulan gaar ah, kaas oo noqonaya mid ay albaabada u xiran yihiin, islamarkaana aan loo ogolaan doonininay  ka qeybgalaan Warbaahinta.

Sidoo kale qaar ka mid ah mas’uuliyiinta la socda wafdiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in kullanka labada Ra’iisul Wasaare uu noqon doono mid ay kaga wada hadlayaan xariirka labada Dowladood ee Ethiopia iyo Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ee soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo ayaa la filayaa in Meles Zanawi ka dalbado taageero, balse waxaa la ogeyn natiijada kullankaasi ka soo bixi karta, waana kullankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Meles Zanawi iyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: