Advertisements

Munaasabad xariga looga jarayey xarun cusub oo ay yeelanayaan Taliska ciidanka xoogga dalka oo shalay ka dhacday Muqdisho.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad xariga loo jarayey xarun cusub ee uu yeelanayo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa furitaanka Munaasabadaas ka soo qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed iyo Wasiirka Gaashan-dhigga KMG iyo Mas’uuliyiin kale.ugu shaqeyn doono.

Sida la sheegay Xafladdan ayey ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Villa Baydhabo oo ah taliska cusub, waxaana halkaa Khudbad ka jeediyay Madaxweyne Shariif.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Hoggaanka Ciidanka XDS, ayadoo uu ka qeyb galay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Madax Kale.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Xarunta cusb dhexdeeda ku sameeyay Dhoolatus, waxaana xafladdaas ka heesayay Kooxda Horseed ee fanaaniinta Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kasta ha u dhacdee munaasabadaas waxaa khudbaddii madaxweynaha ayaa waxay xambaarsaneed hadallo qiimaynaya qaybaha Ciidamada soomaaliyeed iyo duco loo jeedinayey Ciidamada in Alle ku garab galo xilka ay ugu dhaarteen in dadkooda iyo dalkooduba ay ka difaacayaan Cadowga umadda nooc kasta iyo midib kastaba ha lahaadee.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: