Madaxweyne Faroole oo cafis ka dalbaday dowladda KMG Soomaaliya kana codsaday in khilaafka maamulkiisa iyo Ururka SSC la dhexdhexaadiyo.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in uu dhowaan kulan la yeeshay Madaxwenaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Faroole).

Madaxweyne Faroole ayaa dhowaan Madaxda dalka Jabuuti ka codsaday in ay kulansiiyaan isaga iyo Ra’isal wasaare Farmaajo oo dhowaan safar ku tagay magaalada Jabuuti.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Wasaarada Arrimaha Dibeda ee dalka Jabuuti, kadib markii uu madaxweyne Faroole ka codsaday in lala kulansiiyo Ra’isal wasaaraha dowlada KMG ah Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Hoteelka uu deganaa Ra’isal wasaare Farmaajo Maalintii Isniinta.

Wafdiga Rai’sul Wasaare Farmajo waxaa kamid ahaa:- Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Cabdullahi Oomar iyo Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, halka wafdiga Faroole ay ka mid ahaayeen Madaxa Waaxda arrimaha Gudaha ee Maamulkiisa Cabdulaahi Ilkajiir iyo xubno kale.

Ugu horeyntii kulankaasi ayaa ahaa mid uu Madaxweyne Faroole cafis ku weydiisanayay madaxda dowlada KMG Soomaaliya iyo isbarasho ku dhisan sidii loo wada shaqeyn lahaa, iyadoo ay wada fadhiyeen mas’uuliyiinta la socday labada Wafdi.

Sidoo kale shir gaar ah oo saacad qaatay ayey yeesheen Rai’sal Wasaare Farmaajo iyo Madaxweyne Faroole, iyadoo la sheegay in uu madaxweynaha Puntland ka codsaday Mr. Farmaajo inuu gacan ka geysto xiisadaha u dhaxeeya Maamulkiisa iyo Ururka SSC-da iyo sidoo kale inuu adeegsado awoodiisa sidii Saraakiisha Xukuumada Ethiopia & kuwa Jabuuti ay gacan uga geysan lahaayeen Diyaarada lagu heysto magaalada Hargeysa sidii loo sii deyn lahaa.

Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii uu Madaxweyne Faroole hadaladii meel ka dhacyada ahaa u geystay Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, intii lagu guda jiray wada tashiyadii magacaabista bishii Oktobar, markaasoo uu madaxweynaha Puntland hadalo meel kadhac ah uga gudbiyay dhinaca saxaafadda.

Wafdigan uu hogaaminayay Ra’isal wasaaraha ayaa ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkasoo uu ka furmi doono Shirka Caalamiga ah ee Nidaamka Federaalka iyo Arrimaha amaanka dalka iyo dhamaystirka howlaha KMG ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa lasheegay kulankaasi in uu ku dhamaaday is afgarad, iyagoona ku wada heshiiyay in ay wada shaqeeyaan dowladda KMG ah iyo Maamul goboleedka Puntland.

SomaliSwiss Jibouti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: