Halkaan ka akhri
Maareeye ku xigeenka maamulka Dakadda magaalada Muqdisho Axmed Cabdi Kaahiye ayaa sheegay in howsha Dakadda aysan u hakan doonin dad uu ku sheegay in ay carqalado ku hayaan howlaha ka socdaan Dekadda.
Sidoo kale Maareeye ku xigeenku wuxuu wax ka majiraan ku tilmaamay fal maalintii shalay la sheegay in howlihii Dekadda uu ku hakiyay Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux iyo ciidamo uu watay.
Mudane Kaahiye ayaa sheegay in howlihii Dekadda wayn ee magaalada Muqdisho ay u socdaan sidii loogu talagalay, wuxuuna intaas uu raaciyay in ay jireen xoogaa qalalaaso ah oo shalay ka dhacay Iraddka hore ee Dekadda, taasi oo uu tilmaamay in wax saamayn ah aysan ku yeelan howlihii Dekadda.
Si kasta ha ahaatee Maareeye ku xigeenka Dekadda magaalada Muqisho Axmed Cabdi Kaahiye ayaa wuxuu soo hadal qaaday war ka soo yeeray shalay Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux oo ku aadanaa in howlaha Dakadda la musuq Maasuqeeyay, sidoo kale wuxuu sheegay inuusan shaqo ku lahayn Xildhibaan Furux howlaha Dekadda Muqdisho hase ahaatee Dekaddu ay leedahay xisaabiyaal iyo dad loogu tala galay in ay daba gal ku sameeyaan dhaqaalaha kasoo xarooda Dekadda.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.