Halkaan ka akhri
Ciidamada dalka Sudan ayaa  la sheegay inay xabsiga dhigeen Afar mas‘uul oo midi tahay haweeney, kuwaasi oo ka howl galayay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartum ee dalka Sudan, kadib markii ay diideen in ay joojiyaan howsha ay ka wadaan Safaaradda.
Sida la sheegay talaabadan ayaa timid, kadib markii uu khilaaf mudo soo jiitamaayey uu soo kala dhex galay safiirka  Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan iyo howlwadenada ka shaqeeya safaarada, taas oo dawlada KMG ah ay gebi ahaamba xilka ka qaado dhammaan howlwadeenada Safaarada, isla markaana ay u soo magacaawday sii haye cusub, kadibna howlwadeenada ay diideen, balse la sheegay in safiirkii hore uu oggolaaday inuu shaqada ka fadhiisto.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in howlwadeenadaas ay xabsiga ku jiri doonaan ilaa iyo inta ay ka oggolaanayaan Awaamiirta dowladda KMG Soomaaliya ee loogu fadhiisiyey shaqada, inkastoo ay howlwadeenadaas sheeganayeen inay  ka maqan tahay xuquuqdii ay mudada dheer ugu shaqeynayeen safaarada.
Hase yeeshee waxaa la sheegay in Khilaafkan uu sii xoogeystay markii howlwadeenada safaarada lagu eedeeyay in musuqmaasuq iyo laaluush kaqaadin jireen ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka hela dalka Suudaan iyo kuwa iskood kharashka isaga bixiya, taasoo keentay in dawlada KMG ah ay gebi ahaamba meesha ka saarto howlwadeenadii safaarada Soomaaliya ee dalka Suudaan.
SomaliSwiss Khartum
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.