Waa sidee xaaladda magalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa saakay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir dagaalo iyo duqeymo is bar bar socday oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaliya iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada AL Shabaab.

Sidoo kale dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Xaafadda Siigaale iyo wadada Shaqaalaha ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas kadib waxaa xoogaystay dagaalka, sidoo kale waxaa la isku adeegsaday rasaas iyo madaafiic cul culus oo laga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, waxaana madaafiic labada dhinac ay is weedaarsanayeen ku dhacaysay mararka qaar meelo ka baxsan halka u dagaalka ka socdo.

Macadda qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee so kala gaaray dhinacyada dagalamay iyo dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmada Hodan iyo sidoo kale Meelaha ka baxsan ee ay madaafiicda ku dhacaysay.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo shalay la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta uu sheegay in weerarka ay ku qaadeen Habeen hore Fariisimo ciidamada AMISOM io kuwa dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Siigaale ay ku dileen ku dhawaad 10-Askari oo ah ciiidamada AMSIOM, tiro intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen, wuxuuna intaas ku daray in ay la waereegeen gacan ku haynta xaafadaas, arrintaas waa la beeniyey.

 

Si kasta ha ahaatee dagalkaan ayaa la sheegay inuu daba socdo dagaalada iyo duqeymada u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada AL Shabaab oo shalay ilaa xalay ka dhacay degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: