Halkaan ka akhri
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa wuxuu maanta Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya kulan Albaabada u xiran kula qaatay Golaha wasiiradda ee Xukuumada KMG Soomaaliya.
Waxaana kullankaasi loogu wada hadlay sidii xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya wax looga badali lahaa, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ugu yeeray  gobolaha wasiirada in ay dardar geliyaan howlihii loo igmaday, wasaarad kasta, waxaana laga doonayaa in ay wax ka badelaan xaaladda hadda  ka jirta dalka Soomaaliya.
Dhanka  kale, Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu intaasi ku daray in hay’ad kasta ay ka dhabeyso  go`aankii ahaa in Magaalada Muqdisho lagula wareego 100 Maalmood gudaheed.
Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi-xakiim Xaaji Fiqi wuxuu caddeeyey  in Ciidamada kala haday inay qaadaan dagaal hal dhinac ah loogu qaadi lahaa, nabad diidka , wuxuuna intaas uu sii raaciyay in Ciidamada ay wacad ku mareen inay ka dhabeenaayaan qorshaha Xukuumadda cusub.
Si kasta ha ahaatee Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG Soomaaliya wuxuu ugu dambeyntii uu sheegay in ay muhiim tahay in ciidamada si joogta ah loo siiyo Mushaarkooda iyo Cunadooda muraalkooduna kor loo qaado, si ay u difaacaan dalkooda.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.