Hogaamiyaha Al-Shabaab Abu Zubeyr oo lasoo ogaaday inuu si joogto ah u booqdo ilmihiisa oo deggan Imaaraadka Carabta.

Halkaan ka akhri

Axmad Cabdi Aw Maxamuud (Godane) hogaamiyaha xarakada Al-Shabaab ayaa deganaasho (Iqaamo) ka helay dalka Imaaraadka Carabta, ka dib markii uu gacan ka helay Ganacsato Soomaaliyeed oo taageerta ururka Al-Shabaab oo u sameeyay deganaashahaas oo loo saaray Baasaboor Kenyan ah, kaas oo ka mid ah Baasaboorro uu ka haysto wadamo 4 ah oo Soomaaliya ku jirto.

Godane oo carruurtiisa iyo xaaskiisuba ay ku nool yihiin Imaaradda Shaariqa ee isu tagga Emaaraadka ayaa la xaqiijiyay inuu sanadkaan gudihiisa xaaska iyo ilmaha soo booqday ugu yaraan laba mar, iyadoo safarada nuucaas ah ee qarsoodiga uu sidoo kale Imaaraadka joogto ugu tegi jiray, hogaamiyihii hore ee Xarakada Aden Ceyroow.

Warar kala duwan oo laga helay dad ku sugan Sharjah oo garanaya Axmad Godane iyo Shaqaale u shaqaynayay xaaskiisa ayaa cadeeyay inuu Godane booqday Imaaraadka 3/3/2010 iyo 22/12/2010, isla markaasna uu todoba maalmood joogay safar kasta oo uu tegayay halkaas.

Xaaska Axmad Godane Muna  Sheekh Cabdi Raxmaan Sheekh Baraawe oo ah haweeneey uu dhalay, Sheekh caana oo u shaqeyn jiray Xaakimka Emaaradda Shaariqa ayaa Hargaysa ka guurtay maalmo ka hor intii aan la qarxin Madaxtooyadda Somaliland, Safaaradda Ethiopia iyo Xarunta UNDP 29/10/2008, waxaana megengelyo buuxda oo dhinac kasta leh siiyay Xaakinka Shaariqa oo Aabaheed uu muddo u shaqaynayay ka hor intii uusan geeriyoon 23-kii Abriil, 2007-dii.

ilaa 4 qofood oo laba ka mid ah ay garanayeen Axmad Godane, iyo Gabdho bilo kooban u shaqeeyay xaaska Godane ayaa dhammaan xaqiijiyay tegitaanka Godane ee Imaaraadka, waxaana la helay sawirro kuwiisa ah oo ay bixiyeen dad ay Hargeysa isku garanayeen oo ay aad isku fiicnaayeen Axmad Godane, intii uusan kasoo qaxin Hargaysa.

Axmad Godane, Wuxuu safaradiisa u isticmaalaa Baasabooro dhowr ah, waxayna sheegeen hay’adaha la socda dadka la doon doonayo inuu haysto, Baasaboor Kenyaati, Ereteriyaan, Sudan iyo Somaliya, wuxuuna ku safraa hadba midkii uu doono, iyadoo ay kala duwan yihiin magacyada uu ku socdo.

SomaliSwiss       Dubai
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: