Advertisements

Guddigii dhex dhexaadinta ee dowladda KMG ay u dirtay xalinta beelihii ku dagaalmay Gaalkacayo oo la rasaaseeyay.

Halkaan ka akhri

War saakay aan ka helnay magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in Ciidamo beeleed ka soo jeeda Maamulka Galmdug State ay rasaseeyay xubo ka tirsan guddigii dhex dhexaadinta ahaa ee dowladda KMG Soomaaliya uu dirtay xalinta beelihii ku dagaalmay Aaga Gaalkacayo oo ku howlanaasidii maslaxad u dhex dhigi lahayd beelihii dhawaantan ku  dagaalamay duleedka Woqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

 Xildhibaan Axmed Cali Yuusuf oo ka mid ah guddigii dhawaan u ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug si ay waan waan u kala dhex dhigaan Maleeshiyo beeleedyadii ku dagaalamay duleedka magaaladaasi oo warbaahinta la soo hadlay ayaa waxa uu sheegay in Maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug ay rasaas ku fureen xili ay wadeen daminta xiisadahaas colaadeed.


Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu sheegay in Maleeshiyo caraysan oo ka soo jeeda Galmudug ay rasaas ku soo fureen , waxaana uu sheegay in rasaastaasi ay sababtay dhaawac fudud oo soo gaaray labo ka mid ah ilaaladiisa.

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Yuusuf waxaa uu ka deeriyay xaaladda nololeed ee ay ku noolyihiin dadka ku dhaqan deegaanada ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleedyada ka soo kala jeeda Maamulada Galmudug State iyo Puntland State, waxaana uu sheegay in dadka badankooda ay ka barakaceen deeganaadas, wuxuuna tilmamay in loo baahan yahay in dadkaas dib loogu soo celiyo guryahoodii.

 

Sida la wada ogsoon yahay mudooyinkii dambe ayaa xiisad u dhaxeysay Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaa ay ka taagneed deegaano hoostaga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay u tageen magaaladaasi in ay damiyaan xiisadaha u dhaxeeya Maleeshiyaadkaasi beeleedyadaasi

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: