Ciidammo uu hoggaaminayo Xildhibaan Furux oo is-hortaag ku sameeyay howlaha dekedda Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ciidammo uu hoggaaminayo xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta joojiyay howlihii dekedda Muqdisho, kuwaas oo diiday in dekedda laga soo baxo lana galo.

Xildhibaan Furux oo ku sugan gudaha dekedda Muqdisho ayaa saxaafadda u sheegay in Dekedduay awood ku haystaan koox yar, sidaas darteed inta laga ogaanayo halka ay marto lacagta ka soo xaroortay waa  ay xirnaanaysaa  ayuu yiri.

Hase yeeshee Xildhibaanka wuxuu ka gaabsaday inuu sheego kooxda awoodda ku haysata, wuxuuna xusay in dekeddu ay xirnaanayso inta kooxdaas lala xisaabtamayo, balse waxaa lala yaaban yahay in aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, waayo dekadda waa isha keliya ee ay dowladdu  ka hesho dhaqaalaha u badan.

Shaqaalaha Xamaaliga ka ah dekedda Muqdisho, oo qaarkood ay ku sugnaayeen iridda laga soo gelaaya dekedda, ayaa sheegay inay ciidammada goobta qabsaday ay ku wargeliyeen inaysan gudaha u geli karin, sidoo kalena aysan dhici karin in dekedda ay cidi ka soo baxdo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Baabuurtii rarka la saaray iyo shaqaalihii dekedda qaarkood ay gudaha ku jira, waxaana loo diiday inay dibadda u baxaan, mana la garan karno sababta keentay inuu  qabsado Xildhibaanka dekedda.

Sidaas darteed waxaa kacsan Xaaladda dekadda, iyadoo ciidammadii diiday in howlaha dekeddu sii socdaan, ay ku sugan yihiin gudaha iyo albaabka hore ee dekedda, waxaana ammaanka guud ee dekedda ay gacanta ku hayaan ciidammada AMISOM.

Balse ilaa haatan ma jirto, tallaabo ay qaadeen ciidammada AMISOM, waxaana ku xiran dekedda dhowr markab iyo doomo sida ganacsi kala duwan oo ay ku jiraan gaadiid, bagaash iyo raashin, sidoo kale waxaa warar hoose ay sheegayaan inay socdaan wadahadallo xiisadda lagu qaboojinayo.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: