Somali & English
Halkaan ka akhri
Shabakada SomaliSwiss ayaa waxaa soo gaartay Nuqul qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsida iyo Warshadaha, islamaarkaana ah sii-hayaha Wasaaradda arrimaha Gargaarka bani’aadanka Dr. Mohamud Ibrahim Garweyne oo si rasmi ah Bayaan uga soo saaray in dalka Soomaaliya ay ku dhufatay Abaaro halis ah dadka iyo Duunyada ku dhaqan gobolla badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay ka jirto dalka Soomaaliya Abaar, gaar ahaan Gobolladda Bay, Bakool iyo Gedo ayaa la sheegay in Xoolo badan ay ku dhinteen dad badanna ay qatar ugu jiraan in ay u geeriyoodaan biyo iyo baad la’aan awgeed, maadaama xilligii Roobka Deyrta ee lasugayay aanu sidii la rajeynayey u di’in, waxaa sidoo kale la sheegay in ay gureen Warihii, iyo baraagyadii biyaha ay ka cabayeen dadka iyo Xoolaha, dhulkii oo baad ay cunaan laga waayey, beerihii oo roob la’aan bixi waayey, dhulkii oo la xaalufiyey, intaas oo idil waa sababta labaad ee Abaaruhu u soo noq-noqdaan.
Sidaas darted dowladdu waxaa ay Beesha caalamka iyo Hay’adaha Mucaawanada Bixiya ugu baaqday in si degdeg ah ay ula soo gaaraan Cunno iyo Daawo dadka la daala dhacaya diifta Abaaraha.
Sidoo kale Wasiirka waxaa uu uga baaqay Ganacsatada iyo Soomaalida Qurba joogta ah meel kasta oo ay ka joogaan Caalamka, in ay walaalahood taakuleyn lasoo gaaraan, waxaa kaloo baaqan si toos ah uu ugu socdaa Wadamada dunida Islaamka iyo Carabta in ay la soo gaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee la il daran waxyeelada Abaaraha ka dhacay dalkooda..
Sidoo kale waxaa hay’adaha Caalamiga ah ee hoos tago Qaramada Midoobey ee qaabilsan arrimaha gargaarka Ban’aadanka inay si degdeg ah ula soo cararaan cuntada quutul duruuriga ah iyo Daawooyinka ka hortagga ah, si dad looga badbaadiyo musiibada Abaaraha.
Si kasta ha ahaatee Ku dhawaaqidda Xaaladda Degdegga ah ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii qayla dhaan badan ka soo yeeray gobollada Koonfur Woqooyi iyo Gobollada dhexe in bulshada gobolladaas ay la il daran yihiin abaar aad xun.
Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, islamaarkaasna ah sii-hayaha Wasaaradda arrimaha Gargaarka banai’aadanka Dr. Mohamud Ibrahim Garweyne wuxuu warka-cad ama bayaanka ku sheegay in dadka beeraleyda iyo Xoola dhaqatada ay u baahan yihiin in laga gacan siiyo waxyeelada Abaarta, inta laga gaaraya Xilliga Gùga, maadaama dalagii Deyrta baxi lahaa aan la helin, Roobkii oo aan da’in awgeed.
Ka: Wasiirka Wasaaradda Ganacsida iyo Warshadaha,
Ahna sii-hayaha Wasaaradda arrimaha Gargaarka banai’aadanka
Dr. Mohamud Ibrahim Garweyne
Somali government officially Declared severe drought.
There has been a severe drought in the country that has affected both the environment together with the human & animals. There has been a total absence of the Deyr rainy season all over the country and affected particularly Central regions, Bay, Bakol and Gedo regions of Somalia.
Therefore, we are appealing to the international community and donors to extend an urgent humanitarian assistance composed of food, shelter and medicine etc.
The Minister is also pleading to the Somali business community, and the Somali Diasporas all over the world.
Moreover, the Arab and Islamic countries are petitioned for an urgent assistance to the drought stricken Somali populations.
In the same manner we are pleading the assistance of both the UN agencies and International organisations dealing with the humanitarian affairs.
Somali’s Transitional Federal Government has officially declared a high-medium level drought zone in all over Somalia.
The announcement, which covers all the regions of Somalia, will trigger relief measures for both farmers and pastoralists, the Minister said today in an e- mailed statement.
“The situation in South-Central regions is serious,” said The Minister
“Farmers are still recovering from the last drought and they’re now facing it all over again.
By: H. E. Dr. Mohamud A. Ibrahim
The Minister of Commerce & Industry
And the acting Minister of Humanitarian
Affairs & Resettlement
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.