Halkaan ka akhri
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa ka warbixiyay natiijadii ka soo baxday Shirkii looga hadlayay Isgaarsiinta oo lagu qabtay dalka Colombia, sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inuu u gudbi doono magaalada New York ee Dalka Mareykanka halkaas uu Kulan kula leeyahay Masāuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kalana hadli doono sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada la siinaynayo warfaafinta iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.
Dhanka kale wasiirka oo haatan ku sugan Dalka Mareykanka ayaa ugu horreyn wuxuu uga warramay Warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan Radio Muqdisho Shirkii looga hadlayay isgaarsiinbta gaar ahaa Internetka kaas oo haatan lagu soo gebagebeeyay wadanka Kolombiya ka mid ah wadamada Latin Ameerika.
Hase yeeshee Wasiirka wuxuu caddeeyey Ā in shirkaasi dalka Soomaaliya loogu oggolaaday in ay soo ceshato magaceeda oo ah Ā SO kaas oo loo isticmaali doono inuu gadaal ka raaco Cinwaannada Shirkadaha Soomalida ee gaarka loo leeyahay iyo Kuwa ay leedahay Dowladda.
dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Boostada wuxuu daaha ka qaaday in ay jiraan shirkado ajaaniib ah oo durbadiiba soo codsaday in ay suuq geeyaan magaca So ee loo isticmaalayo Internetka, balse Wasiirku wuxuu ku dhiiri geliyay Shirkadaha Ganacsiga ee Soomaaliya in ay suuq geeyaan magacaasi inta uusan ka dhamaanin waqtiga oo ku eg dhmmaadka bishaan.
Waxaa kale wuxuu Wasiirka Kulamada uu la qaadanayo masāuuliyin ka tirsan Beesha caalamka, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada uu ku doonayo in uu ku sii horumariyo Qeybaha kala duwan ee Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ka jira gudaha Soomaaliya.
SomaliSwiss New York
Filed under: USA |
You must be logged in to post a comment.