Halkaan ka akhri
War goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda KMG Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay maanta barqadnimadii ka duuleen garoonka magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedaan Caasimadda xarunta Jamhuuriyadda Djabouti ee Jabuuti.
Sidoo kale waxaa la sheegay in R/wasaare Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminaya  ayaa lagu wadaa inay wadahadallo iyokulamo ay halkaas kula yeeshaan Madaxda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Jabuuti iyo waliba mas’uuliyiin ka mid ah Diplomaasiyiin caalami ah oo  ku sugan dalka Jabuuti.
Wafdigan uu hogaaminayo R/wasaaraha xukuumadda KMG ayaa waxaa ka mid Wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG, Wasiirka Maaliyad iyo xubno kale ayaa la sheegay in labo maalmood kaliya ay qaadan doonto socdaalkooda ay ku joogayaan dalka Jabuuti.
Hase yeeshee Socdaalka R/wasaaraha ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu dalka kaga baxo Safar dibadeed tan iyo markii loo magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.