Soomaali bannaanbax balaaran ka sameeysay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa waxaa shalay bannaanbax balaaran ka sameeyey Soomaalida loo diidey sharciyada lagu joogi karo dalkaas, sidaas waxaa Shabakada SomaliSwiss soo gaarsiyey qaar ka mid ah dadkii sameynayey dibadbaxa, waxayna sheegeen in gudoonka ururka Somali Refugee Victims uu soo qabanqaabiyey bannaanbaxan, kadib markii ay la soo gudboonaatay qaxootiga Soomaaliyeed dhibaato sharci la’aan ah, waxaa dibadbaxani ku saabsanaa sidii ay dadka Soomaalida ah u heli lahaayeen waraaqihii ama dukomentiyadii ay ku joogi lahaayeen dalkan Sweden, warqadahaas u fududeynaya sidii ay waxbarasho ama shaqo uga heli lahaayeen. 

Waxaa dibadbaxan isugu soo baxay boqolaal qof oo dhammaantood ah Soomaali waxayna ka andacoonayaan in sharci la’aan ay ku haysto dad Soomaali ah Waddankan, kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafayso 500 oo qofood, kuwaasoo sida muuqata uu xaalkoodu ay tahay mid aad u xun.

 

Sidoo kale dadka dibad baxayaasha ah ayaa sheegeen inay dadaalkooda sii wadi doonaan ilaa iyo inta wax laga bedelayo go’aanada laga qaatay dadka Soomaalida ah oo la doonayo in dalka Soomaaliya dib loogu celiyo, balse Bannaanbaxan ayey waxay ku dalbadeen  in codsigooda megengelyo la tixgeliyo, hase yeeshee waxaa la sheegay in dadkan badinkooda ay sharci la’aan yihiin mudo 4 sanadood iyo dheeraad ah.

SomaliSwiss      Gothenburg

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: