Halkaan ka akhri
Waxaa maanta Wargeysyada ka soo baxa dalka yemen ay soo qoreen in Maxkamad sare oo ku taala gobolka Xadar-Muud ee wadanka Yemen ayaa xukun ku riday 12- qof oo loo haysto eedeymo la xiriira in ay doonayeen inay weeraro ka fuliyaan gudaha wadamada Soomaaliya, Afganistan iyo dalka Ciraaq.
Saalax Ayuub oo lagu sheegay inuu yahay Afhayeen u hadlay Maxkamadda ayaa sheegay in dadkan ay horey ugu lug lahaayeen weeraro iyo qaraxyo ka dhacay dalalka Soomaaliya, Afgaanistan iyo Ciraaq, wuxuuna sheegay in Maxkamadda ay heshay cadaymo xaqiijinaya in si toos ah ay ugu lug lahaayeen eydaymaha loo haysto.
Mas’uul u hadlayay Maxkmadda sare ee gobolka Xadar-Muud ee wadanka Yemen wuxuu sheegay in eedeysanayaashu lagu kala Xukumay Xarig u dheeya 7 ilaa 4sano, sidoo kale Maxkamadda waxay damacsan tahay in xukuno ay ku riddo dad farabadan oo ku jira xabsiyada magaalada Cadan.
Dhanka kale Dowladda Yemen ayaa waxay ku eedeeynaysay dadka Soomaalida ah ee halkaas tagay in ay si toos ah ugu biireen xoogaga ka dagaalama wadanka Yemen islamarkaana kasoo horjeeda ciidamada amaanka ee Yemen kuwasas oo gacan saar la leh Ururka Al qaacidda.
Wargeysyadu waxay qoraalkoodu ku caddeeyeen in Maxkamadda ay damacsantay in dad ka badan 20-qof kale  oo ay ku jiraan dad Soomaali ah iyo kuwo ka soo kale jeeda wadamada Carbeed la soo taagi doono Maxkamadda, kuwaasi oo ay sheegtay in ay ku lug lahayeen dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay gudaha wadamada Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Ciraaq.
SomaliSwiss   Cadan
Filed under: Yeman |
You must be logged in to post a comment.