Advertisements

Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Dagaal aad u culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Ciidamada Kooxda Al Shabaab ayaa xalay ilaa iyo Saakay waxay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Dagaaladan ayaa bilowday kadib markii ciidamada AL-Shabaab ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ku lahaayeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaaladii  Saakay iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay  ku dhinteen3-qof,  kuna  dhawacmeen ilaa  5-qof oo dhammaantooduna ah dad rayid ah, balse waxay wararku sheegayaan in khasaaraha  halka ka dhacay ay intaasi ka badan karaan.

Intii ay socdeen dagaalada iyo duqeymaha xalay tiro madaafiic ah waxay ku dhaceen suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, hase yeeshee xaalada maanta barqadnimadii waxaa la sheegay inay  xoogaa daganeyd..

Si kasta oo ay ahaato dagaalada magaalada Muqdisho ku dhex mara dowladda KMG, AMISOM, ahlusunna Waljameeca oo isku saf ah iyo Xarakada Alshabaab iyo xizbul Islaam oo isku dhinac ah waxaa ka dhasha khasaare shacabka u badan, iyadoo dhinayacada dagaalamana ay guulo ka kala sheegtaan dagaalada dhaxmara.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: