Advertisements

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo laga wareystay Tababar la siinayo ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa wuxuu wareysi siiyey  Wakaaladda Wararka ee AP (The Associated Press), wuxuuna sheegay in DKMG Soomaaliya ay heshii la gashay lagu magacaabo SARACEN International oo dhanka tababarada ka caawimi doonto.

Sidoo kale Safriika waxa uu sheegay in Dawladdiisu ay doonayso in Ciidan gaaraya 1,000-askari lagu tabbabaro magaalada Muqdisho,t ababarkaas kadib ay weeraro ku qaadi doonaan fariisimaha ay Burcadbadeeda ku leeyihin dalka Soomaaliya.Hase yeeshee, sida ay Maamulka Somaliland sheegeen shalay in ay qabteen diyaarad qalab milateri u soo waday Puntland,waxaana weli wax war ah kasoo bixin Dawlad goboleedka Puntland, balse Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay shirkadda tababarka bixinaysa oo Ciidanka Badda Puntland tababaraysa,sidoo kalena Qaramada Midoobay ay soo dhoweysay howshaas.

Wuxuu kaloo intaasi raaciyay Safiirka in Dawladda ay go’aan ka soo saari doonto qorshahaan saddexda asbuuc ee soo socota, iyadoo Dawladda ay sidoo kale doonayso in loo tababaro 300-askari oo kamid noqda ilaalada gaarka ah ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Hay’adda SARACEN International oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika waxaa ay xilligaan wada mashruuc ay ku tababarayso inka badan 1,000-askari oo ah Ciidanka Badda Puntland oo loogu talagalay in ay la dagaalamaan Burcadbadeeda iyo tahriibta, Bishii la soo dhaafay waxaa tababar soconaysay saddex bilood loo soo gaba gabeeyey cutubkii ugu horeeyey ee Ciidanka Badda Puntland oo gaarayay 154-askari,waxaana maalmo kahor sidoo kale tababar loo furey 220-askari oo noqonaaya cutubka labaad ee Ciidanka Badda Puntland.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: