Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo mar kale ku dagaalamaya degmada Buur-hakaba.

Halkaan ka akhri

Degmada Buur-Hakaba  oo dadkeeda lagu yaqiinay dad aad u nabad jecel ayaa waxay waayahan danbe ay marti u noqdeen dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Xarakada AL Shabaab iyo ciidamada Ururka Xisbul Islaam, sidaas darted waxaa manta mar kale isku fara saaray labada Urur Diimeedka, waxaana manta ka soconayaa degmada Buuur-hakaba ee gobolka Bay dagaal keenay barakac xooggan iyadoo la sheegay  inay jiraan Abaaro xun oo saameeyey dadka iyo Duunyadaba.

Sidoo kale dagaalkan ayaa lagu soo warramay inuu bilaabmay aroorinimadii hore ee saakay una dhaxeeya ciidamo ka tirsan Xarkada AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii halkaas ay saakay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam.Si kasta ha ahaatee inkastoo ay dagaaladu  wali socdaan ayaa haddana waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo sheegay in magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay ay dhinacyada ku dagaalamaya ay ka kala fadhiyaan duleedyada magaaladaas, halka wararka qaarna ay sheegayaan in ciidama Xisbul Islaam ay la wareegeen gacanta ku haynta degmadaas oo ay todobaad ka hor ay Al Shabaab ka qabsadeen.

Waxaa la sheegayaa in dagaalku uu xoogiisa ka socda duleedyada degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa waxaa an la ogayn ilaa iminka qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dhanka kale Goobaha ganacsi iyo dhaq dhaqaaqyadii adeegyada bulshada ee degmada Buur-Hakaba ayaa gabi ahaan joogsaday, taasoo uu saamayn ku yeeshay dagaalka ka socda Xaafado ka mid ah degmadaas.

SomaliSwiss    Buur-Hakaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: