Abaaro xoogan oo saameeyey guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada dhexe iyo Koonfur Galbeed.

Halkaan ka akhri

Maxaa keena musiibooyinka Rabbaaniga ee umadi ku dhaca? Su’aashan isma weydiyaan dadka sababta keenta, marka laga hadlayo Abaaraha joogtada noqotay ee Sanadba Sanadka ka danbeeya ka dhacaan dalkeena hooyo, waxaa loogu gudbi karaa oo keliya in loo noqdo Alle, laga toowba keeno dhiigga dadka masaakiinta la daadanaya maalin kasta, hase ahaatee haatan waxaa sii kordhaya baaqyada ay jeedinayaan dadka ay Abaartu saameysay ee ku nool gobollada dalka, xilli ay sii baaheyso waxyeelada ay geysanayaan abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Sidaas darted wararka ka imaanaya Gobolladda Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in Xoolo badan ay dhinteen dad badan ay qatar ugu jiraan in ay u geeriyoodaan biyo iyo baad la cuno oo aan jirin awgeed, waxaa guray Warihii, iyo baraagyadii biyaha ay ka cabayeen dadka iyo Xoolahu, dhulkii oo baad ay cunaan laga waayey, beerihii oo roob la’aan bixi waayeen, dhulkii oo la xaalufiyey, intaas oo idil waa sababta labaad ee Abaaruhu u soo noq-noqdaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in qaar badan oo ka mid bulshada reer miyiga ah ee Gobollada Bay iyo Bakool ah ayaa u barakacay dalalka dereska la ah Soomaaliya sida: Kenya iyo Ethiopia, halka kuwa kale ay ku sugan yihiin goobahooda xaalad aad u hooseysana ku nool yihiin, waxayna Soomaalida ay ka dalbadeen in gargaar la soo gaaraan, ayagoo Hay’adaha samafalkana ka dalbaday in ay caawiyaan inkastoo Ururro Diimeydka ka taliya ay hortaagan yihiin wax ka qabashada Musiibadaas ku habsatay Ummada Soomaaliyeed.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Gobollada dhexe ayaa ka mid ah meelaha ay ka jirto Abaaraha kulul, waxaana daahay Roobkii xilliga, ayadoo Duunyada iyo dadku ay ku sugan yihiin xaalad aad u xun, waxaana ka imaan karta musiibo aad u ballaaran xaddigeeda.

Dad ku sugan Gobolka Galguduud ayaa lagu soo warramay in qayla-dhan u soo dirsadeen caalamka iyo umadda Soomaaliyeed, kaddib markii ay u waayeen Xoolahooda daaq iyo biyo, halka dadku aysan heysan cunto ku filan ee ay cunaan.

Sida la soo sheegay kumanaan qoys ayaa ilaa haatan ka soo barakacay gobollada dhexe, Bay iyo Bakool iyo degmooyin ka tirsan Shabeelooyinka dadka ayaa sheegay inuu Jahaweer ku dhacay waxayna kala garan waayeen halka ay u hayaamayaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: