Maxay ka yiraahdeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladda, Abaalmarinta ay muteysatay Warbaahinta Shabelle?!

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Maamulka, Shaqaalaha Shabelle iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ayaa waxay u dabaaldageen abaalmarintii xalay Shabelle loogu doortay inay tahay Warbaahinta ugu wanaagsan Caalamka islamarkaana ay u doorteen ururka RSF ee saxafiyiinta aan Xaduuda lahyen ayaa arintaasi waxaa soo dhaweeyay oo talaabo hormar leh ku tilmaamay guud ahaan saxafiyiinta ka howlgasha Soomaaliya.

Sawir qaadaha wakaalada Wararka AP  Faarax  Cabdi Warsame oo loo yaqaan Faarax AP oo ka mid ah wakaalada Wararka AP uga howlgala Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax lagu faano ay u noqon doonto bilidii xalay Shabelle ay u soo hoyesay Saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah wariyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho oo ka hadleen ayaa iwaxay tilmaameen in xalay uu aad ugu farxay Markii ay maqleen in Idaacad Soomaaliyeed ay hanatay abaalmarinta Idaacada ugu wanaagsan Caalamka sanadka 2010-ka.

Sidoo kale Ubax C/laahi Culusoow oo ka mid ah wariayaasha ka howlgala Magaalada Boosaaso gaar ahaan TV-ga ETN oo fariin qoraal ah soo gaarsiiyay Shabelle ayaa sheegtay in markii ay maqashay guusha ay gaartay Shabelle ay dib u xasuusatay wariyayaashii qiimaha badnaa ee laga dilay intii shacabka Soomaaliyeed ay u adeegeysay, iyadoo si weyn oo farxadi ku dheehantahay u soo dhaweysay abaalmarintaasi.

Saacado kadib markii xalay Shabelle la gudoonsiiyay abaalmarinta Idaacada ugu wanaagsan Caalamka, ayaa waxaa soo dhaweeyay oo guul taariiqi ah ku tilmaamay abaalmarintaasi ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan oo la soo xariiray Warqabadka Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay warbaahinta Soomaalida abaalmarinta la siiyay Idaacada Shabelle.

Cumar Faaruuq oo arrintaas ka hadlay wuxuu yiri “Waa wax aad loogu farxo maanta in Shabelle ay ku guuleysato abaalmarintaani, waana wax ay mudantahay, maadaama ay tahay Idaacada kaliye ee dhex dhexaadka ah dadka reer Muqdisho sida dhex dhexaadnimada ah wax ugu sheegto, waxeyna ku heshay dadaalkii ay galeen wariyayaashii ka shaqeynayay”.

Dhinaca kale Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in Shabelle abaalmarintaasi ay ku heshay sheegida wararka xaqiiqda ah iyo ka fogaanshaha waxyaabaha lidka ku ah sharciga saxaafada, isagoo tilmaamay in Shabelle ay tahay idaacada ugu codka dheer warbaahinta Soomaaliya.  

Waxaa kaloo  guusha warbaahinta shabelle ka hadlay Ra’iisul wasaare Xukuumada KMG  ah Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo ayaa bilid taariiqda Soomaaliya gashay ku tilmaamtay abaalmarintii xalay ay ku guuleysatay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Xasan Isaaq Yacquub oo ah  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda beeraha Dhirta iyo Daaqa oo isna maanta la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu hambalyo u diray Idaacadda Shabelle guushii ay gaartay ee aheeyd in ay noqotay Idaacadda ugu Wanaagsan Caalamka sanadka 2010-ka.

Wasiirka wuxuu caddeeyey  in talabadan ay tahay Guul u soo hoyatay Shucuubta Soomaliyeed meelkasto ay ka joogaan Caalamka, wuxuuna intaasi uu ku daray in waqtigan Idaacadda Shabelle ay tahay Idaacadda ugu dhagaysiga badan ee ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, ayna dhageystaan boqokiiba boqol dadka Soomaaliyeed MaalinKasta.

 

Sidoo kale waxaa dhacdadan Abaalmarinta ah ka hadlay Gudiga Warfaafinta Barlamanka KMG Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyay abaalmarintii xalay la gudoonsiiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle iyagoo ku tilmaamay abaalmarintaas mid muujineysa hormarka iyo heerka Warbaahinta Shabelle ay ka gaartay dhanka saxaafada.

Gudoomiyaha gudiga Warfaafinta barlamanka KMG Soomaaliya Xildhibaan Cawad Axmed Cashara ayaa wuxuu ugu hambaliyeey Idaacadda Shabelle billada la siiyay ee Idaacadda ugu wanaagsan Caalamka ee xalay lagu gudoonsiyay magaalad Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Cawad Axmed Cashara ayaa waxa uu ugu baaqay Idaacadaha kale ee ka howlgala wadana Soomaaliya in ay sameeyaan dadaal la mid ah midka ay sameeysay Idaacadda Shabelle si ay u helaan bilada Idaacadda ugu wanaagsan ee Caalamka oo sanad waliba ay bixiyaan Ururka Saxafiyiinta aan xuduuda laheyn, isagoo ka dalbada Maamulka iyo Wariyeyaasha Shaballe in ay sii laba labaan dadaalkooda ku aadan dar dar galinta dhinaca warbaahinta.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: