Idaacadda Shabelle oo lagu abaalmariyey Bilada ugu wanaagsan caalamka ee sanadka 2010-ka.

Halkaan ka akhri

Waxaa  xalay Bilada ugu wanaagsan Caalamka ee sanadka 2010-ka la siiyay Idaacada Radio Shabelle kadib markii xalay munaasabad balaaran lagu qabtay Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Sida lagu soo warramay Munaasabaddaas balaaran ayaa waxaa  ka soo qayb galay  xubno ka socday Barlamanka Faransiiska, Duqa Magaalada Paris, Diblumasiyiin, marti sharaf, Hay’ado warbaahineed oo calami ah iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socotay shanta qaaradood ee Aduunka ayaa xalay ka dhacday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, waxaana munaasabadaasi lagu abaal marinayay Idaacadda iyo wariyayaasha ugu wanaagsan Caalamka ee Sanadkan 2010, iyadoona munaasabadasi laga sheegay in idaacada Shabeelle oo ka mid ah idaacadaha ku yaala wadanka Soomaaliya ay ku guulaysatay idaacada ugu wanaagsan aduunka sanadka 2010 kadib tartaran ay la gashay ilaa 7 Idaacad warbaahineed oo caalamka ku yaala.
Sanad kasta bisha December ayaa  Ururka Saxafiyiinta aan xaduuda laheyn uu soo qaban qaabiyaan Munaasabadan mid la mid oo lagu abaalmariyo Idaacadda iyo Wariyaha ugu wanaagsan Caalamka sanadkasta, waxaana sanadkan AbaaImarintaas ku guulaystay Warbaahinta Idaacadda Shabelle oo noqotay idaacada ugu wanaagsan Caalamka, halka wariyaha ugu wanaagsanaa uu ku guulaystay wariye u dhashay dalka Iiraan laguna magacaabo Cabdi Reza Xaj oo ku xiran xabsi kuyaala wadanka Iiraan.

Munaasabada Shabelle lagu gudoonsiiyay abaal marinta Idaacada ugu wanaagsan Dunida ee sanadka 2010-ka ayaa waxaa goobjoog ka aha madaxa xiriirka caalamiga ah ee Idaacada Shabelle Injineer Cali Daahir oo munaasabada qudbad ka jeeediyay islamarkaana ku soo hadal qaaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Idaacadda Shabelle soo martay iyo waxyaabihii ay u qabatay bulshada Soomaliyeed.

Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa kula tartamay abaalmarinta ugu wanaagsan sanadkaan in ka badan todobo hay’addood oo dhinaca warbaahibta ah kuwaasi oo ka mid ahaa Jariirad ka soo baxda dalka Ruwanda, TV kuyaala wadanka Pakistaan, Idaacada kutaala wadanka Kurdistan, Idaacad kutaala dalka Morocco, Ruushka iyo Idaacad kale oo kutaala dalka Honduras waxaana halkaasi abaalmarintaasi si sharaf leh ugu guuleystay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa u Sharaxay Masuuliyntii iyo ka soo  qayb geshay munaasabada waxayna si aad ah ugu Farxeen, una soo dhaweeyeen guusha Idaacada Shabelle ee sanadkan 2010-ka ee ku guulaysatay abaalmarinta ugu wanaagsan.

Dhanka kale Munasabada ayaa waxaa sidoo kale ku tartamay lix wariye oo ka kala socotay qaaradaha Afrika, Asia iyo Yurub kuwaasi oo u tartamayay wariya ugu wanaagsan sanadkan ee aduunka, waxaana abaalmarintaasi ku guulaystay Cabdi Razza Xaj oo ah warye u dhashay dalka Iiraan islamarkaana haatan u xiran dowlada Iiran.

Si kasta ha ahaatee Idaacada Shabelle oo haatan ah idaacada ugu wanaagsan Caalamka, kana mid ah idaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa Lagu aas-aasay magaalada Marka sanadkii 2002-da waxaana Shabelle ay ku caanbaxday sheegida wararka xaqiiqda ah oo dhex dhexaadnimo ay ku saleysan tahay taasi oo ka dhigtay in bulshada Soomaaliyeed ka dhigtaan Idaacada kaliye ee wararkeeda ay aaminaan, waxaana ay noqotay Idaacadii ugu horeysay ee Bariga Afrika oo ku guuleysatay abaalmarinta Idaacadaha ugu wanaagsan Caalamka.

SomaliSwiss Paris

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: