Diyaarad Saanad militari u wadey Puntland oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa lagu dajiyay diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo la sheegay in ay saarnaayeen hub iyo Saanado military, hubkaasi  oo la sheegay in loo waday maamul goboleedka Puntland

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen in diyaaradan sababtii looga soo dejiyay garoonka Hargeysa ay ahayd in ay Shidaal ka qaadato, hase yeeshee ciidamada Amniga ee Somaliland baaritaano ay  ku sameeyeen lagu ogaaday in saanado militari oo u badan dharka Militariga ah ay saaran yihiin.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa xanibay diyaarada, waxaana ay su’aalo weydiiyeen ilaa 6 qof oo diyaarada saarneyd oo labo ka mid ah ay u dhasheen wadanka Koonfur Afrika afarta kalena ay ahaayeen Ruush, waxaana Masuuliyiinta Somaliland ay sheegeen inay sii wadi doonaan Baaritaanada islamarkaana ay saxaafada u soo bandhigi doonaan waxyaabaha ka soo baxa baaritaankaasi.
 
Dhanka kale diyaaradan oo maanta lagu dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in ay  dalka Uganda ka soo qaaday saanada militari, waxaana la sheegay in ay u siday Puntland.

Hase yeeshee ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Goboleedka Puntland oo ku aadan lahaanshiyaha hubka militariga ah ee saaran diyaaradaas ay qabsatay Somaliland.

SomaliSwiss     Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: