Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso oo howlgalo dad kusoo qab qabtay.

Halkaan ka akhri

Ciidamada boliiska ee Maamulka puntland ayaa la sheegay in howlgalo ay ka sameyeen xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso ku dad lagu soo qabqabteen howlgelladaas oo la xiriira  sugidda nabadda, hase ahaatee waxaa  Nabadoonada gobolka Bari ay Maamulka Puntland ugu baaqeen in aysan midib takoorin dhalinyarada kasoo jeeda gobolada Koofureed.

Howgalladan ayaa billaabmay kadib markii xalay fiidkii qarax miino lagu dilay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Puntland oo uu ku jiray Taliyihii booliska ee magaalada Boosaaso Xuseen Cali Dheere ayaa ciidama amaanka ee Puntland howlgalo ay ka sameeyeen xaafadda New-Boosaaso oo aheeyd xaafadda uu qaraxa ka dhacay waxaa ay ku soo qab qabteen ku dhwaad 10- dhalinyaro ah oo 5-ka mid ah ay ahaayeen sida la sheegay dhalinyaro kasoo jeeda gobolada Koofureed ee wadanka Soomaaliya.

Xaafadda New-Boosaaso ayaa xalay ka dhacay Qaraxa Miino ah, waxaa ku dhintay 4-qof oo 3-ka mid ah ay ahaayeen saraakiisha ciidamada booliska ee Puntland, kuwaasi oo uu ku jiray Taliyihiin Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5- qof oo iminka laga deerinayo xaaladooda Caafimaad.

sida aannu wararka ku helnay waxaa  magaalada Boosaaso lagu soo daadiyey ciidamo farabadan oo ka tirsan boliiska oo wata gadiidka dagaal lagu arkayo xaafado ku yaala wadooyinka magaaladaasi.

C/qaadir Axmed Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Nabadoonada gobolkaasi ay si aad ah u cambaaraynayaan War kasoo baxay Maamulka Bari oo ku aadanaa in dad kasoo jeeda gobolada Koofureed ee wadanka Soomaaliya ay ka dambeeyaan falalka Amni daro ee ka dhaca magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Hase yeeshee howlgalada ka socda magaalada Boosaaso iyo hadalka ka soo baxay waxgaradka iyo Nabadoonada gobolkaasi ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili maalmihii lasoo dhaafay falal amni daro ay ka jireen magaalada Boosaaso iyadoo Maamulka magaalada Boosaaso falkaasi uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dad kasoo jeeda gobalada Koofureed ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: