Afhayeenka dowladda oo sheegay in Ra’isal wasaaraha KMG ah uu magacaabay guddi soo xula 18 Agaasime guud ee wasaaradaha dowladda.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Dowladda C/xaaji Goobdoon ayaa Saxaafadda u sheegay in R/wasraaha Xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu magacaabay guddi Wasiirro ah oo ka soo baaraandega soona xula 18-Agaasime guud ee wasaaradaha Dowladda.

Kulan oo ay shalay yeesheen golaha Wasiirada isla markaana uu shir gudoominayay R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu magacaabay guddi wasiirro ah oo soo qorsheeya magacaabista 18-ka Agaasme guud ee wasaaradaha Dowladaha.

C/xaaji Goobdoon ayaa kulankaas kadib Radio Muqdisho u sheegay in gudiga uu magacaabay R/wasaaraha ay ka soo talabixindoonaan magacaabista Agaasimayaashaasi iyagoo ku soo xulanaya aqoonta iyo kartidooda.

Gudiga ayaa arintan loo xilsaaray waxa uu kala kaashan doonaa Gudiga Qaranka ee shaqaalaha Dowladda oo ah gudi madax banan oo hoosyimaada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay Afhayeenka Dowlada Cabdi Xaaji Goobdoon.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: