12-ka December oo loo dabaaldegi doono furitaanka Mashruuca deeganka Glattalbahn ee Kanton Zürich.

Halkaan ka akhri

Gaadiidka isaga goosha magaalada Zürich iyo deegaanada ku dhow ee Kanton Zürich ayaa nidaam casriyeysan ku socdaa dhismaha waddooyinka isku xira Kanton-ka.

Mashruuca Glattalbahn waa Mashruuc fura u ah horumarinta aaga Woqooyiga Zürich, sidaas darteed deegaanka  Glattal waxay noqotay magaalo qiimo leh, una dhisantay si casriyeysan lehna nidaam Isgaarsiineed oo aad u fiican, wuxuuna leedahay deegaankaas gaadiidka daabula dadweynahaa oo si wanaagsan u shaqeynaya.

Haddana Mashruuca dhismaga  Glattalbahn oo keliya ayaa dhirirkiisu yahay 12,7 Km oo leh 21Hakad ama joogsi ( station), sidoo kale Glattalbahn wuxuu leeyahay 3 khad ama Linee oo Tram ah oo dhexmaraya degmooyinka Kloten, Opfikon, Rümlang, Wallisellen Dübendorf iyo degmooyin kale ee ku yaala bariga Zürich.

Khadadka  ama leemanka Traamada cusub ee saddaxdii sano ugu danbeysay la dhisay oo haataan howlahooda si fiican u socda waxaa ka mida Traam 10, 11 iyo traam 12 oo howshiisa billaabi doono maalinta axadda ee bisha disember 12keeda 2010, waxaana Maamulka hay’adda Traamada iyo Basaka ( VBG) ay sheegeen in  maalinta axadda ah ee 12ka Disember ay dhici doonto dabaaldegga loo sameynayo furitaanka Mashruuca Glattalbahn.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: